Karamardha Cusbitaal Oo Bilaabay Adeeg Bilaasha Oo cusub

Jigjiga(CN) 7 January 2016, Hospitaalka Guud ee karamardha ayaa bilaabay adeeg lacag la’aan ah oo ah xanaanada & daawaynta caruurta dhiciska ah oo hada kahora lacag ahaan jiray,waxaana Adeegan loo adeegsanayaa Mushiinada casriga ah ee kala ah Phototerap, Radiant-warmer, Heater, Incubator oo dhamaantood siwanaagsan wax uga taraya Caafimaadka Caruuurta Dhiciska ah.

Hadaba Maareeyaha Hospitaalka Guud ee Karamardha Mudane Wali Axmed Nuur oo uu wariyaha cakaaranews xafiiskiisa kulakulmay ayaa sheegay in adeegani uu aad ugu fiicanyahay caruurta dhiciska ah islamarkaana ay yaalaan mushiino casri ah wakhti xaadirkana uu bilaashyahay walaw oo uu hospitaalku bixiyo adeegyo kale oo bilaash ah.

Sikastaba ha ahaatee Maareeyaha oo aan wax kawaydiinay adeegbixinta Cusbitaalka ayaa nooga warbixiyay in shaqaalaha xirfadlayaasha ee huspitaalka tiradoodu tahay 330 xubnood islamaarkaana tirada  dhakhaatiirtu ay yihiin 46 dhakhtar oo 18 kamid ahi ay yihiin Specialist. sidookale waxa uu meereeyuhu hadalkiisi kudaray in hospitaalku leeyahay in kabadan 12 waaxood oo adeegyo caafimaad oo kala duwan bixisa, waxa uu cadeeyay masuulku in sidoo kale  guulo ka keenay barnaamijka nadaafada iyo bilicda ee loo yaqaano CASH program si fiicana looga hirgaliyay cisbitaalka iyada oo  dhamaan dhirayn lagusameeyay hospitaalka wadooyinkiisa iyo gidarada islamarkaana shaqaale ka shaqeeya bilidan loo sameeyay..

Waxa uuna mareeyuhu hadalkiisii ku gabagabeyay in hospitaalka laga hirgaliyay nidaamka Ciidanka Hormarinta Caafimaadka ee looyaqaano Health Developement Army (HDA) kaaso suurta galiyay in dhamaanaan xirfadlayaasha caafimaadku ay isagu xidhanayhiin iyaga oo   maalin kasta  shir isagu yimaadaan marka ay saacadaha shaqadu dhamaato, wuxuuna  hospitaalku ku shaqeeyo Nidaamka BPR ka, oo si buuxda uga hirgalay