MW CMC Oo Kusugan Ararso

Ararso(CN) Khamiis, 7da January 2016, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii uu hogaaminayay oo xalay u dheelmaday Birqod ayaa saaka salaan uu kaqaatay kooxda baambayda deegaanka kadib kulan layeeshay saraakiisha  ciidanka gaarka ah oo maalmahanba qiimayn uga socotay goobtaas isagoo nasasho yar kadibna kulan wadatashi ah layeeshay odoyaasha degmada.

Hadaba, madaxwaynaha ayaa kulamadan kadib booqday mashruuca biyo-xidheenka wayn ee birqod-goomaar oo si habsami ah u socday.

Ugudanbayna, madaxwaynaha oo hogaaminaya waftigiisa ayaa usoo ambabaxay dhanka magaalada dhagaxbuur. Halkaas oo uu kulan kulayeeshay shacabwaynaha. Kadibna, waxay madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigiisu wajaheen jidka dheer ee jigjiga iyagoo kusoo dheelmaday  degmada Ararso ee gobolka jarar. Madaxwaynaha oo hogaaminaya waftiga ayaa wakhti xaadirkan kusugan ararso.