Wafti Booqday Mashaariicaha Beer-caano.

Beer-caano(CN), jimce. 8da January, 2016, Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI  ah gudoomiyaha XDSHSI  mudane  Maxamedrashiid  Isaaq oo uu ku wehelinayo gudoomiyaha gobolka shabeele mudane Farxaan Cabdi maajuun  iyo  waftigii ka yimiday wadanka Keniya ayaa booqasho indha indhayn ah ku gaadhay mashaariicaha wax soo saarka beeraha ee ka socda galbeedka  gobolka shabeele ee degmada beer-caano.

Waftigan ayaa si wada jir ah  soo indha indheeyay mashaaciicaha horumarineed ee ka socda goobtaasi gaar ahaan mashaariicaha dhinaca wax soo saarka beerah oo iskugu jira kuwa bulshada dib u tajinta loogu sameeyay iyo kuwa ay  iskaashatooyinka uga   faa-iidaysanayaan  mashruuca waraabka galbeedka shabeele.

 

Waftigii ka socday  wadanka Keniya oo markii ay soo arkeen mashaariicahan la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay waxay ku soo arkeen waxayna si wayn ula dhaygageen/ la dheceen wax soo saarka dhumucda wayn ee ka hirgalay deegaanka . Waxayna si wayn ugu bogeen dib u dajinta ay xukuumada DDSI u samaysay bulshada xoolo dhaqato ee loo badalay xoolo dhaqato  beeralay  ee haddana loo dhamays tiray adeegyadii aas aasiga ahaa sida caafimaadka, waxbarashada biyaha iyo wax soo saarkoodii oo loo dhamaystiray qalabka wax soo saarka beeraha oo casriyaysan.