Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Looqabtay Shaqaalaha Mashruuca PSNP

Jigjiga(CN)Sabti 9 January 2016, Tababar kor loogu qaadayo garaadka aqoomeed ee shaqaalaha mashruuca shabakada waxsoosaarka cunada (PSNP) islamarkaana uu soo agaasimay  Xafiiska Beeraha & Khayraadka Dabeeciga ah DDSI ayaa kabilawday Kuliyada  Maaraynta & Adeega Shacabka DDSI.

Tababarkan oo ujeedadiisu tahay dardar galinta hawlkaha shaqo ee mashruuca PSNP iyo sidii looga midho dhalinlahaa qorshaha mashruuca ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Beeraha & Khayradka Dabeeciga DDSI Mudane Guuleed Awcali Kaahin waxa uuna sheegay in tababarkani uu yahay mid muhiima islamarkaana casharo faa iido uleh ay kubaranayaan shaqaalaha mashruuca PSNP, waxa uuna intaa kudaray masuulku in casharada ay halkan kabartaan ay gaadhsiiyaan shaqaalihii iyo goobihii ay ka yimaadeen.

Ugu danabayna Waxa uu Wasiir-Kuxigeenku kula dar daarmay ka qaybgalayaasha in ay shaqooyinkooda si daacada oo wadaniyad leh ay uga soobaxaan.

Hadaba tababarkan oo socon doona 15 cisho ayaa waxaa casharada bixinaya khabiiro isagu jira heer Federal iyo heer Deegaan casharadaas oo ay ku baranayaan nidaamka shaqo ee mashrruca, ilaalinta khayraadka dabeeciga, sida kahortaga Caro Guurka , kor uqaadida Nolosha Bulshada Danyarta ah, Hormarinta dhul daaqsimeedka IWM.