Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Buufinta Kaneecada & Talaalkii Polioda

Shiniile(CN) Sabti 9 January 2016, Siyaasada Caafimnaadka Dalka oo ah kahortaga cudurada, ayaa Si looga hortago cudurka looyaqaano Malariada ee ay keento kaneecdu,Waxaa dhamaanba Degmada Shiniile ee Xarunta Gobalka Siti lagu soo gaba gabeeyay Buufinta Kaneecada taas oo ay buufinayeen xirfadlayaal sifiican ugu tababaran aqoona uleh habka loo buufiyo kaneecada islamarkaana isticmaalaya qalab kii lagu buufinayay kaneecada.

Hadaba Madaxa Xafiiska Caafimaadka Degmada Shiniile Mudane Fad’hi Shugri Axmed ayaa sheegay in ololahani uu mid ka ahaa dadaalada dhanka caafimaadka ah ee ay DDSI  ugu jirto kahortaga cudurada, waxa uuna masuulku intaa kudaray in dhamaan ba xaafadaha degmada shiniile sifiican looga buufiyay kaneecada, islamarkaana ay soo dhawaysay bulshada ku dhaqan magaalada shiniile.

Sidookalana waxa uu masuulku cadeeyay in talaalka polioda wareegii 3aad  laga fuliyay dhamaanba 14 qabalee iyo 24 qabalee hoosaad ee Degmada Shiniile kaasoo kasocday mudo dhan 5 bari.

waxa uuna Hadalkii Kusoo gaba gabeeyay in talaalka poliyada lasiiyay Caruurta dadoodu kayartahay 5 sano lana gaadhsiiyay Caruur dhan 8331cunug.