Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Qiimaynta Waxqabadka Rubaca 2aad

Xarshin(CN) Isniin 11 January 2016, Qiimaynta iyo isla xisaabtanka oo udub-dhaxaad u ah nidaamka dimuqraadi iyo Maamulka Suuban ee JDFI ayaa maal mahanba waxaa dhamaan Gobalada DDSI kasocda qiimayn, waxaan shirka qiimaynta waxqabadka rubaca 2aad ee Gobalka Faafan uu si habsami leh uga furmay Degmada Xarshin.

Shirkaasi qiimaynta  ayaa waxaa hogaaminayay Kusimaha Gudoomiyaha Gobalka Faafan Mudane Nuur Xayir Qaasim waxaana diirada lagu saarayay waxqabadka afartii bilood ee Rubucan labaad ee 2008 T.I gaar ahaana dhinacyada Biyo-Xidheenada, Adeegbixinta iyo uruurinta Dakhliga iyada oo xooga lagu saarayay jihooyinka hormarineed ee rubucyada soosocda.

waxaana shirkan ugu horayn kahadlay kusimaha Gudoomiyaha Gobalka Faafan Mudane Nuur Xayir Qaasim oo sheegay in qiimayntani ay tahay mid Xafiiskasta uu soo jeedanayo qorshihiisa iyo waxii uu qabtay kharashka ku baxay iyo waliba waxyaabaha u qabsoomay.sidookalana waxa uu masuulku cadeeyay in qiimayntu muhiim u tahay in lagaga daydo Dagmo kasta dhankeeda adag ee ay guulaha ka keentay.