Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xoojinta Cududa Shaqaalaha DDSI .

Jigjiga(CN) Isniin, 11ka, January, 2016,  Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta madaxtooyada cusub ee DDSI, kulan balaadhan oo loo qabtay ardaydii ka soo qalin jabisay jaamacadaha dalka oo laga shaqaalaysiinayo qaabdhismeedka dawlada deegaanka soomalida itoobiya

Waxaana kulankaasi ka soo qaybgalay qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa, oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka DDSI  ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, wasiirka adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed  Maxamuud, madaxa arimaha siyaasada XDSHSI mudane Cumar Maxamed, iyo arday dhan 3,000  ah qaybtii koowaad ee shaqalaynsiinta arday dhan  todoba kun ( 7000).

Haddaba kalfadhigii ugu danbeeyay ee golaha capinetka DDSI ayay ahayd markii uu go’aamiyay in la shaqaaleeyo arday dhan todoba kun ( 7000) lagana shaqaalaysiiyo qaabdhismeedka dawlada islamarkana 100,000 boqol kun oo dhalinyaro ah loo abuuro fursado iyo xirfado shaqo oo ay ku shaqaystaan.

Iyada oo laga duulayo  hirgalinta qorshahaasi,  ayay markii xukuumada DDSI gaar ahaan xafiisyada ay qusaysaa   bilaabeen  diwaangalinta ardayda, taasi oo maalmihii ugu danbeeya lagu jiray diwaangalinta wajigii 1aad  oo maanta kulan lala yeeshay halka  ay  qaybta  hadhsana socoto diwaan galintoodu 

Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna madaxa xarunta dhexe ee XDHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi ayaa sharax dheerka siiyay ardaydan  jihooyinka siyaasadeed, horumarineed ee XDSHSI iyo kan xukuumada DDSI ee lagu gaadhayo wadamada uu dhaqaalahoodu meel dhexeedka yahay kuwa ugu horeeya, sidoo kale waxa uu sheegay madaxwayne ku xigeenku dadaalada xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto abuuritaanka ilaha shaqada dhalinyarada iyo shaqaalaynsiinta aqoon yahay ka wax u soo bartay deegaankooda si ay uga qayb-qaataan hirgalinta hawlaha horumarka, wuxuuna tilamaamay doorka ay ku leeyihiin ka midho dhalinta  qorshayaasha horumarineed.

 

Dhankeeda wasiirka adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud oo ka hadashay kulankaasi ayaa ka warbixisay qorshaha koboca isbadalka shaqaalaah ee u dajisan dalka iyo deegaankaba iyo fulinta hab-raacyada lagu hirgalinayo qorsheyaashasi, waxayna sheegtay in ay ardaydan maanta lagu jiro shaqaalaysiintoodu tahay cududii shaqaale ee hirgalin lahayd meel marinta jihooyinka horumarineed, waxayna wasiiradu tilmaantay in ay qaybtan maanta ay la kulmeen tahay wajigii koowaad ee hadda la diwaan galiyay oo ay tiradodu dhan tahay 3,000 inta hadhayna hadda ay socoto diwaan galintoodu islamarkaan dhawaan tababar ay galidoonaan si ay hore ugu gudagalaan   shaqooyinka loo igmaday.