Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasaarada Shaqaalaha JDFI iyo Hilton Hotel

Addisababa(CN) Talaado, 12ka january 2016, Shir ay soo qaban qaabisay wasaarada shaqaalaha iyo arimaha bulshada ee JDFI oo mudo laba maalmood ah socday ayaa maanta duhurkii lagu soo gabagabeeyay Hilton hutel.

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin kasocotay dhamaan dawlad deegaanada dalka iyo mas’uuliyiin heer federal ayay ujeedadiisu ahayd wada-tashi ku saabsan sharci cusub oo loo soo saaray si loo ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta itoobiyaanka xoogsatada ah ee shaqada u aadaya dalka dibadiisa.

Hadaba shirkan ayaa waxaa deegaankeena uga qayb galay wasiir ku-xigeenka xafiiska maamulka DDSI mudane ibraahin aadan mahad, wasiirka shaqaalaha iyo arimaha bulshada DDSI  mudane axmed koore,  wasiirka TVETka mudane naasir xasan axmed, agaasino kasocday xafiiska kobcinta iyo xafiiska Shaqaalaha  iyo arimaha bulshada ee DDSI.

Ugudanbayna, shirkan oo si fiican loogu qaadaa dhigay ilaalinta Xuquuqda muwaadiniinta xoogsatada ah ee dalka ee wadanka dibadiisa shaqada utaga ayaa kusoo Gabagaboobay guul iyo ansixin in la dhaqan galiyo sharcigan cusub.