Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gobalka Siti & Qiimayntii Kadhacday

Hadhagaala(CN) Talaado, 12 January 2016, Shir ay kasoo qayb galeen dhamaan maamulka Degmooyinka Gobaka Siti islamarkaana ujeedadiisu ahayd qiimaynta waxqabadka rubaca 2aad ee sanadkan 2008 T.I  ayaa ka furmay Degmada Hadhagaale ee gobolkaasi.

Shirkan qiimaynta ah ayaa Intii uu socday waxaa hogaaminayay Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka ahna Gudoomiye Ku-xigeenka Gobalka Siti Mudane Cabdishakuur Aadan oo sheegay in shirkani ahaa mid lagu qiimaynayay waxqabadkii Degmooyinka ee afartii bilood ee ugu danbeeyay gaar ahaan dhinacyada wax kaqabadka qorshayaashii u yaalay degmooyinka ee dhinacyada horumarka sida xoojinta Maamulka suuban, Biyo-xidheenada, Beeraha,  Caafimaadka Waxbarashada, dib u dajinta, iyo waliba Dakhliga  waxuuna intaa kudaray masuulku in sidookale si gaar ah loo qaada dhigay wax ka qabadka xaaladaha abaaraha ee ka jira Gobolka Siti.

Waxa uuna kusimuhu hadalkiisii ku soo gunaanaday in qiimayntani ahayd mid lagu soojeediyay warbixnadi dagmo kasta islamarkaana su’aalo ku aadan lagawaydiinayay waxa uuna kusoo dhamaaday jawi wanaagsan.