Wafti Culus oo Lagu Soo dhaweeyay Garaad wiil-waal Airport.

Jigiga(CN) Arbaca, 13,ka January, 2016, qaarka mid ah  Masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI ayaa  maanta garoonka diyaaradaha ee garaad wiil- waal international Airport  si diiran ugu soo dhaweeyay, wafti culus oo ka socday jahliyada DDSI ee north America oo ay hogaaminayeen gudoomiyaha jahliyda north America mudane Maxamed Shukri Nuur (Sangaab), gudoomiyaha ururka horumarinta somalida itoobiya ee  north America mudane Ibraahin Carab , Gudoomiyaha ururka dhalinyarada SEDYO ee north America  mudane Cabdiwaduud Axmed.iyo waliba fanaanka caanka ah ee mudane  Cabdicasis Iskalaj

waxaana ka mid ahaa masuuliyiinta xukuumada DDSI ee ku soo dhawaysay waftigan garoonka diyaaradaaha ee garaad wiil-waal, madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, madaxwayne ku xigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudne Cabdicasiis, Maxamed cabdi  ku simaha maareeyaha qurba joogta DDSI ahna ku xigeenka  maareeye,  mudane cabdi khaliif dhoonbe  iyo qaarka mid ah golaha wasiirada DDSI.

Gudoomiyaha jahliyada north America mudane Maxamed Shukri Nuur oo qolka nasashada ee garoonka kula hadlayay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay sida ay ugu  faraxsanyihiin sidan balaadhan ee ayna u kala hadhin xukuumada DDSI ee loo soo dhaweeyay isaga oo ka warbixiyay  in ay guud ahaanba jahliyada DDSI ee north America si balaadhan ugu faraxsan tahay kana qayb qaadanayaan horumarka balaadhan ee sida xawliga ah uga hirgalay deegaanka.

 

Wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane Khadar Cabdi Iismaaciil oo ka hadlayay soo dhawaynta waftiga,  ayaa sheegay, in xukuumada DDSI ay markasta sii xoojinayso xidhiidhka wanaagsan ee dhinaca qurba joogta sidoo kalena tilmaamay doorka ay qurba joogtu ku leedahay hirgalinta hawlaha horumarka deegaanka.