Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Kooxo u Diray Gobolada Deegaanka.

Jigjiga(CN) Arbaca, 13ka January, 2016,  Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed ayaa saaka kulan dar daaran ah la yeeshay 9  kooxo oo ah  khabiiro caafimaad, kuwaasi oo loo   kala   diyaariyay 9ka gobol ee degaanka si ay u  soo xoojiyaan tayaynta  adeegyada caafimaadka gobolada degmooyinka deegaanka.

Wasiirka oo ka hadlayay kulankaasi  waxa uu yidhi” si looga midho dhaliyo istaraatajiyadaha horumarineed ee dhinaca adeegyada caafimaadka ee la siinayo bulshada, loo dar dargaliyo korna loogu qaado adeegyada caafimaadka  ee ay bixiyaan xarumaha caafimaadku, islamarkaana la xaqiijiyo hirgalinta isbadalada caafimaadka ayaa waxa uu xafiiska caafimaadka DDSI u kala dirayaa gobolada deegaanka iyo degmooyinkiisa kooxo khabiira ah oo isku dhafan, kuwaasi oo soo fulinaya qorshe lagu xoojinayo laguna dabagalayo heerarka kala duwan ee adeegyada caafimaadka bulshada loo fidinayo”

 wuxuuna ku booriyay wasiirku khabiiradan la dirayay maanta in ay si diisa u hirgaliyaan ujeedadan loo diray  iyaga oo ka bilaabaya maamulada heerar kooda kala duwan sida heer Gobol degmo ilaa tuulo ay la yeeshaan kulamo wata tashiya oo ay sharax dheer ka siiyaan jihooyinka iyo siyaasadaha caafimaadka, gaar ahaan   dar-dargalinta  adeeg bixinta xarumaha caafimaadka iskuxidhka xarumaha iyo rugaha caafimaadka; wacyigalinta, la tashiga bulshada iyo ka qaybgalka dadwaynaha.

Dhankooda khabiiradan ayaa sheegay in ay ka soo dhalaalayaan meel-marinta qorshahan ay u baxayaan