Qiimaynta Rubuca 2, aad Ee Waxqabadka Shabeele

Godey (CN) khamiis, 14ka january 2016, Waxaa saaka guriga shirarka ee magaalada godey ka furmay qiimayntii rubuca labaad ee waxqabadka degmooyinka gobolka shabeele.

Qiimayntan ayaa waxaa ugu horayn furay gudoomiyaha gobolka shabeele mudane Farxaan Cabdi Maajuun oo kahadlay qodabada qiimayntu ku salaysan tahay ee xooga lasaarayo oo kala ah: dhanka waxsoosarka tabaca beeraha, biyo-xidheenada, isticmaalka miisaniyada, ururinta dakhliga, caafimaadka, waxbarashada, xidhiidhka dadwaynaha, xisbiga iyo dhanka xoojinta arimaha haweenka.

Hadaba qiimayntan oo saaka si rasmi ah uga bilaabatay magaalada godey ayaa lafilayaa inay sii socon doonto mudo 3 cisha ah.

Faah-faahinta  qiimayntan iyo wararka laxidhiidha kalasoco cakaaranews.com