Kormeerka Biyo-xidheenka Ararso

Ararso(CN) khamiis, 14ka January 2016, gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan oo uu weheliyo kusimaha gudoomiyaha degmada ararso mudane Cabdulaahi Maxamed Siyaad ayaa saaka kormeer indha-indhayn iyo talo bixin ah kusoo maray mashruuca biyo-xidheenka degmada ararso ee laga dhisayo tuulada Dhigriilay.

Mashruucan oo dhismihiisu marayo kalabadh ayay hawl-wadeenadu sheegeen inay mudo gaaban gudaheed kusoo gabagabayn doonaan iyadoo gudoomiyaha gobolku uu runtii bogaadiyay nidaamka shaqadu ussocoto talo bixin guud iyo tilmaamo gaar ahna kasiiyay qaabka fulinta iyo dhamaystirka mashruuca.

Sidoo kale, kusimaha gudoomiyaha degmada ayaa sheegay in maamulka degmada ararso ay kuhawlan yihiin dabagalka fulinta mashaariicaha degmada guud ahaan iyagoo waliba gaar ahaan maalin iyo habeenba xooga saaraya una taagan sidii mashruucan biyo-xidheenka loogu dhamaystiri lahaa wakhti yar si bulshadu uga faaiidaysato.

Ugudanbayna, gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan ayaa dar-daaran adag kasiiyay maamulka degmada iyo hawl-wadeenadaba sidii wakhtiga looga faaiidaysan lahaa si dhismaha mashruucani unoqdo mid taabagala oo bulshadana waxtar uyeesha