Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Masuuliyiinta Maamulka Degmooyinka Gobolka Nogob oo Booqday Dugsiga Hoyga Agoonta fiiq.

Fiiq,(CN) jimce 15ka January, Masuuliyiinta maamulada degmooyinka gobolka nogob oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Gobolka Nogob mudane Axmed Xaaji Aadan,  ayaa booqday dugsiga hoyga agoonta ee magaalada fiiq. ka dib markii uu shirkii qiimaynta waxqabadka degmooyinka maamulada degmooyinka nogob ee  ugu socday magaalada Fiiq la soo gabagabeeyay.

Masuuliyiintan booqday dugsiga hoyga agoonta fiiq ayaa waxay u kuur galeen   geedi socodyada waxbarasho ee ardayda, hab-nololoodka ardayda iyo nidaamka baris barasho ee dugsiga hooyga aqoonta. Dugsigan oo ay wax ka bartaan ardayda uu waalid koodii gumaaday hadhaagii wakhtiyo hore ka dhaq-dhaqaaqi jiray deegaanka ee UBBO ayaa xukuumada DDSI damaanad qaatay noloshooda, sida waxbarasho tayaysan oo ay helaan, jiif, hugoodii iyo caafimaadkoodaba. Waanta taasi tan keentay in ay xukuumada DDSI  muhiimad gaar ah siiso daryeelka iyo tayaynta waxbarashadooda ardaydan.