Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Gunaanadkii Shirkii Qiimaynta Doollo

Wardheer(CN) Jumce, 15 January 2016, Shir balaadhan oo lagu soo xidhayay shirkii qiimaynta waxqabadka rubuca labaad ee Dagmooyinka uu ka koobanyahay Gobolka Doollo ayaa waxay ka dhacday Hoolka shirarka ee Dagmada Wardheer.  

xidhitaankii xaflada ayaa waxaa hadala wax ku ool ah ka soojeediyay Gudoomiyaha Gobolka Doollo Mudane Maxamuud Cali Axmed Hogaanka Gobolka Mudane Axmed-nuur Siyaad Cabdi iyo sidoo kale Madaxa Arimaha Xisbiga Gobolka Doollo Mudane Jaabur Shugri

waxayna kula dardaarmeen masuuliyiintii Dagmooyinka ee ka soo qayb galay shirka inay labajibaaraan hawlihii adeegbixinta ee loohayay bulshada sida Biyaha, Caafimaadka Beeraha,Waxbarashada. Dakhliga sidooklae waxay masuuliyiintu carabka ku adkeeyeen biyo xidheenada in si tayo leh oo dhakhso ah loo dhiso, waxaa kale oo ay cadeeyeen in degmooyinkii fiicnaa qiimaynta laga qaato khibrad ku wii dhaliilo lahaana ay saxaan dhaliilihii loo soojeediyay qiimaynta rubaca sadexaadna la isla xisaabtami doono.