Munaasabad Lagu Meelaynayay Ardayda.

Jigjiga(CN) sabti, 16ka January, 2016, Dhawaan ayay ahayd markii golaha capinetka  DDSI go.aamisay in  qaabdhismeedka DDSI laga  shaqaaleeyo arday dhan 7,000 oo ah ardayda jaamacadaha dalka ka soo qalin jabisay, waxaana tan iyo intii uu go’aamkaasi dhacay lagu  guda jiray iswaafajinta dhukumantiyada ardayda iyo booska uu u qalmo

Haddaba  munaasabada lagu gudoonsiiyo wajigii 1aad ee  arday ay tiradood dhanayd 1,000 kun arday  waraqada  shaqaalaynta  ee meelaynta booska, ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee SMCX jigiga.

munaasabadan oo ahayd mid aan abid ka dhicin deegaanka, ayaa waxaa ka soo qayb-galay masuuliyiinta xukuumada DDSI ugu saraysa oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, madaxwayne ku xigeenka ahna madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, wasiirka adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI marwo maajida maxamed maxamuud iyo qaarka  mid ah golaha wasiirada DDSI.

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa si qoto dheer ula dar-daarmay shaqaalaha cusub, isaga oo sheegay in ka dib markii la xaqiijiyey islamarkaana la  is waafajiyay  dhukumantiyada ardaydan iyo meesha uu u qalmo dhukumantigu la go’aamiyay in qof kasta si bakhtiyaa nasiib ah ula soo boxo warqada ay ku qoran tahay booska shaqada iyo goobta shaqadu.

Madaxwaynaha ayaa  u sheegay  shaqaalahan cusub baaxada  ay leedahay masuuliyada ay qaateen, loogana baahan yahay in ay si meeqaam sare ah uga soo baxaan waajibaadka islamarkaana ay bulshada siiyaan adeeg horumarineed. Madaxwaynaha oo sii wada hadalkiisa ayaa tilmaamay in muwaadinimadu tahay halbeega lagu cabiro la-haanshaha shaqsiga iyo ka soo bixitaanka waajibaadka shaqo, fulinta amaanada shacabka iyo la imaanshaha akhlaaq wanaagsan, wuxuuna madaxwaynuhu arabka ku adkeeyay in shaqaalahan cusub abaal gud ka looga baahanyahay tahay shacabka oo loogu adeego si fuhan.

Dhankooda aqoon yahanka  la shaqaaleeyay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin goobkasta oo lagu meeleeyo in ay ka soo  shaqaynayaan bulshadana ugu adeegayaan si muwaadinimo leh. waxayna ugu mahad celiyeen hogaamina sare ee xukuumada DDSI nidaamka cadaaladeed ee isla maanta lagu shaqaaleeyay.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa la guda galay in aqoon yahanka la shaqaalaynayaa  ay saf-saf u soo galaan qaadashada warqada bakhtiyaa nasiibka ah marka ay u soo baxdo warqadan bakhtiyaa nasiiba ayaa waxaa isla goobtaasi lagu siinayay warqada meelaynta/ogta iyo waliba abalkii/habeen dhixa loogu talagalay shaqaalahan cusub.