Ladagaalanka Caadooyinka Xunxun

Jigjiga(CN) Isniin 18 January 2016, Tababar uu soo agaasimay Xafiiska Waxbarashada DDSI ujeedadiisuna ahayd ladagaalanka Gudniinka Fircawniga ah (FGM) iyo Guurka dagdag ah ayaa si habsami leh uga bilowday Hoolka shirarka ee Xafiiska Arrimaha   & Caruurta DDSI.

Tababarkan oo ay ka soo qaybgaleen  85  xubnood oo kakalayimid  Degmooyinka Gobalada  ayaa waxaa furitaankii ka hadlay Agaasinka Geedisocodka  Kormeerka & Tayada Waxbaarshada ee Xafiiska Waxbarashada Mudane Cabdixakiin  Maxamed Cali oo sheegay in tababarkani uu yahay mid larabo in kasoo qaybgalaayshu ay kaheleen aqoon dheerada oo kusaabsan tubta xakamaynta & ladagaalanka dhaqamada xunxun & in ay ka wacyi galiyaan bulshada iyo goobihii ay kayimaadeen sida gudniinka fircawniga ah iyo guurka dag daga ah, sidookalana waxa uu masuulku kula daraarmay tababartayaasha inay sifiican ugaa faa iidaystaan islamarkaana ay usii gudbiyaan goobihii ay ka kala yimaadeen.

Sidookale waxaa tababarkan kahadlay Khabiirka Sinaanta Jinsiga ee Xafiiska Waxabarashada DDSI Marwo Ifraax Cali Xuseen oo sheegtay in tababarkan ay kasoo qaybgaleen xubnihii loogu talagalay kuwaasoo ka kalayimid Degmooyinka gaar ahaan Xafiisyada Arrimaha Haweenka, Xeer-ilaalainta & Cadaalada,Commishinada-poliska, shareecada islaamka, Dhalinyarada, Maamulka Qabaleeyada Degmooyinka iyo waliba qaar kamida Macalimiinta & Aradayda, sidookale waxay tilmaantay in fulinta tababrkan ay iska’kaashadeen Xafiiska Waxbarashada DDSI & Haayada Caalamiga ah ee UNICEF.