Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Mw Ku Xigeenka DDSI Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Qurba-joog

Jigjiga(CN) Isniin, 18ka, January, 2016, Madaxwayne ku xigeenka DDSI aha wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan ayaa maanta gurigiisa xaflad casuumad ah  oo  hadhimo sharafeed ah, ugu sameeyay  hogaaminta ee jahliyada DDSI ee north America iyo qaarka mid ah fanaaniinta DDSI oo iskugu jira qurba joogta iyo qaran-joogba.

Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada mudane Mawliid Haayir Xasan oo ka hadlay casuumaday ayaa sheegay  in ay guud ahaanba xukuumada DDSI dareen farxadeed ku soo dhawaynayso, qurba joogta u dhalatay deegaanka. Isaga oo ka warbixiyay madaxwayne ku xigeenka doorka ay ku leeyihiin qurba joogtu  hawlaha horumarka iyo  nabadgalayda ee sida buuxda uga hirgalay sanadihii ugu danbeeyay deegaanka iyo kaalinta ay ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasha horumarineed ee u dajisan dalka iyo deegaankaba.

Qaarka mid ah hogaaminta jahliyada north America oo ka hadlay casuumadaasi ayaa ka warbixiyay dareenkooda farxadeed ee ku salaysan sida diiran ee aan loo kala hadhin ee loogu soo dhaweeyay deegaanka iyo dadaalada ay xukuumadu ku  xoojinayso xidhiidhka qurba joogta, Waxayna si mug leh ugu mahad celiyay madaxwayne ku xigeenka casuumadan hadhimo sharafeedka ah ee ku  maamuusay qorba joogtan iskugu jira hogaaminta iyo fanaaniinta.