Kor u Qaadida Bilicda iyo Nadaafada Magaalooyinka.

Jigjia,(CN), talaado, 19ka, January, 2016,  Xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI ayaa dadaal culus ugu jira fulinta istaraatajiyadaha  iyo qorshayaasha horumarineed ee ku qotoma taabo galinta fidinta horumarinta, bilicda iyo nadaafada magaalooyinka DDSI si ay u noqdaan magaalooyin la dartama magaalooyinka waawayne ee dalka iyo kuwa caalamkaba.

Haddaba  waxaa ka dhacay hoolka shirarka xafiiska maamulka magaalada jigjiga tababar uu soo diyaariyay xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI oo kaashanaya xafiisyada ay bahwadaagta yihiin. Tababarkaasi oo ku saabsan  nidaamka maaraynta qashinta, horumarinta cagaaran, bilicda magaalada iyo nidaamka abuuritaanka ilaha shaqada, ayaa  Waxaana loo qabtay iskaashatooyinka ka hawlgala nadaafada magaalada jijiga iyo maamulada xaafadaha magaalada jigjiga.

Waxaana tababarkaasi furitaankiisii ka soo qayb-galay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI  mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, wasiir ku xigeenka xafiiska horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha, mudane Axmed Shugri, maayirka maamulka  magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamuud Ahmed, wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada, xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabirisaaq  Saxane, masuuliyiin ka socday wakaalada horumarinta shirkadaha yar yar ee  DDSI  iyo masuuliyiin, khabiiro  ka socday ismaamulka magaalada dire-dhawa.

Waxaana furitaankii tababarkaasi ka hadlay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar, wuxuuna sheegay ahmiyada balaadhan ee ay barnaamijkan tababarkiisu hadda bilowday u leeyahay bilicda,  kor u qaadida nadaafada, iyo horumarinta cagaaran ee caasimada deegaanka si ay u noqoto mid soo jiidata indhaha caalamka maalgaliyayaasha caalamka  lana tartanka magaaloyinka waawayn ee dalka  iyo kuwa caalamka.

Wasiir ku xigeenka horumarinta magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha DDSI mudane Axmed Shugri iyo maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamuud Axmed oo furitaankii tababarkaasi ka hadlay  ayaa ka warbixiyay ahmiyada uu   tababarkani  leeyahay kuwaasi oo sheegay in uu dhinaca kalena  qayb ka yahay  qorshayaashii dhawaan xukuumada DDSI go’aamisay ee ahaa abuuritaanka ilaha shaqada dhalinyarada oo iskaashatooyin lays-kugu xidhayo kuwaasi oo ka qayb-qaatan doona  xoojinka horumarinta cagaaran , maaraynta qashinta,  bilicda iyo nadaafada magaalooyinka deegaanka lana gaadhsiin-doono magaalooyinka deegaanka.

Masuuliyiin iyo khabiiro  ka socotay ismaamulka  magaalada diredhawa oo uu ka mid yahay maareeyaha bilicda iyo nadaafada ismaamulka magaalada diredhawa mudane Cabdiqaadir Cismaan ayaa tababarkan ku soo bandhigay jihooyinka lagu karaar galinkaro horumarinta cagaaran,  nidaamka maaraynta qashinka  iyo bilicda magaalooyinka.

Tababarkaasi ayaa sii socondoona maalmaha soo socda.