Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kormeer Heer Deegaana Oo U Baxay Beeraha Dajinta

Goday(CN) Arbaco, 20 January, Koox heer deegaan ah oo uu hogaaminayo Wasiir Kuxigeenka  Xafiiska Waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka Mudan Ibraahin mubaarak ayaa hawlo shaqo oo isagu jira Kormer,  Abaabul iyo xaqiijinta howlaha  Dajinta ugu baxay, Gobalada Shabeele, Afdheer iyo Liibaan islamarkaana hawlahoodii Shaqo ka soo gaba gabeeyay Gobalka Shabeele.

Kormeerkan oo isagu jira masuuliyen & khabiiro ayaa ka kala socday Xafiisyada Hormarka DDSI, si ay usoo indho indheeyaan  islamarkaana xog buuxda ugu keenaan, sadexda gobal eeXxoolo dhaqato-Beeralayda ah (Dajinta)

Hadaba, Wasiir Kuxigeenka  Xafiiska Waraabka iyo Horumarinta Dooxooyinka Mudane Ibraahin Mubaarak oo ah hogaamiyaha kooxdan kormeerka ah ayaa nooga warbixiyay shaqada kormeerka  waxa uuna sheegay in howlaha shaqo ee kormeerku ay tahay abaabul, wacyi galin iyo uruurinta xogta dhabta ah dhanka fiican iyo waliba caqabadaha soo food saara beeralayda, waxuuna masuulku tilmaamay in shabeele hada ay dhameeyeen una sii gudbayaan Gobalka Afdheer kadibna Liiban.

Sikastaba ha ahaate kooxdan kormeerka ah ayaa kulamo layeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulada degmooyinka Gobolka Shabeele laguna soo bandhigay heerka uu marayo Barnaamijka Dajintu.