Talaalka Iyo Daawaynta Xoolaha sabada ceelka Shilaabo.

Shilaabo(CN) khamiis, 21ka January,2016  waxaa  si balaadhan uga bilowday  sabada ceelka wayn ee shilaabo ol-olaha talaalka iyo daawaynta xoolaha oo uu soo diyaariyay xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer-guuraaga ee degmada Shilaabo.

Ol –olahan talaalka iyo daawaynta xoolaha waxaa si wada jir ah u fulinaya xirfadlayaasha caafimaadka ee ciidanka booliska gaar ka ah ee DDSI iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee xafiiska xoolaha ee degmada shilaabo. Waxaana gaadhay sabadan ceelka wayn ee shilaabo ee uu talaalka iyo daawayntu ka bilaabantay masuuliyiinta maamulka degmada shilaabo  oo uu ka mid yahay gudoomiyaha degmada shilaabo  mudane Axmed Shuun Sugule, waxayna u kuur-galeen sida uu u socdo talaalkan iyo daawaynta xoolaha iyo sida ay bulshadu uga faa-iidaysanayso.

Sabada ceelkan wayn ee shilaabo ayaa xiligan fadhiisan u ah xoolaha ku dhaqan tuulooyinka hoos yimaadka degmada gaar ahaan geela, taasi oo ay xukuumadu xiligan uga faa-iidaynayso bulshada xoolo dhaqatada ah, si ay xoolaha deegaanku u noqdaan kuwo tiro iyo tayo caafimaad leh.

Dhan kooda qaybaha kala duwan ee bulshada xoolaha loo daawaynayay ayaa si wayn u soo dhaweeyay kuwaasi oo u mahad noqay xukuumada DDSI ee dadaalka balaadhan ugu jirta sidii xoolahooda tayadooda loo xoojin lahaa loogana daawayn lahaa cudurada ku dhaca xoolaha.