Inaa lilaahi Wa inaa Ilaahi Raajicuun

Jigjiga(CN) Jamce, 22ka january 2016, Allah ha u naxariistee marxuun Xasan Cabdiraxmaan Xasan oo xalay ku geeriyooday magaalada jigjiga ayaa saaka lagu aasay xabaalaha sheekh cali guure.

Allah ha unaxariistee marxuumka ayaa waxaa aaskiisii kasoo qayb galay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, golaha kabineega, masuuliyiintii hore ee kililka iyo dhamaan shacabwaynaha magaalada jigjiga.

Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kuhadlaya magaciisa, magaca XDSHSI iyo magaca xukuumada ayaa tacsi  tiiraanyo leh  udiraya in ilaahay samir iyo iimaan kasiiyo dhamaanba shacabwaynaha deegaanka gaar ahaana eheladii iyo qaraabadii u kageeriyooday marxuumku. Wuxuuna allah uga baryayaa inuu naxariis waasac ah siiyo janatul fardowsana ka waraabiyo.

Allah ha u naxariistee marxuumka ayaa kamid ahaa aas-aasayaashii kililka isagoo in kabadan 10 sano xildhibaan kasoo ahaa xukuumadihii hore ee deegaanka xilal kaladuwana kasoo maray.

Ugu danbayna, marxuunka ayaa ifka wuxuu kaga tagay 8 caruur ah iyo hooyadood.