Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Orodyahano U Hambalyaynaya Deegaanka

Addisababa(CN) Isniin, 25ka January 2016, orodyahanada caanka ah ee soomaaliyeed ee kala ah: mudane Cabdiqaadir Muxumed oo dhanka cayaaraha orodka dheera ugu tartama wadanka Sweden iyo mudane Mo Faarax oo isna wadanka England u tartama oo tababar ay ugu diyaar-garoobayaan tartanka olympica caalamka ee sanadkan lagu qabanayo wadanka Brazil kuqaadanaya xarunta dalkeena itoobiya ee Addisababa ayaa hambalyaynaya horumarka uu deegaanku kutalaabsaday sanado kooban gudahood.

Orodyahanadan ayaa bogaadintooda u dhigay sidan, ‘‘waxaan kufaraxsanahay oo aan idiinku hambalyaynaynaa horumarka uu deegaanku sida laxaadka leh ugu talaabsaday sanadihii ugu danbeeyay guud ahaan ee aan lasoo koobi karin gaar ahaana bilihii ugu danbeeyay ee qaliinkii indhaha loogu fiiqay in kabadan 10kun oo shaqsi, lana shaqaalaysiiyay 7,000 kun oo arday, shaqo abuurka 100kun oo qof, biyo-xidheenada waa wayn, jaamacada cusub ee qoraxey, kuliyadaha tacliinta sare ee kalagadisan, caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo beeraha intaba.’’ waxaa kale oo ay sheegeen, inay aad u soo jiidatay kaalinta dumarka laga siiyay dawlada.

Waxayna hambalyo iyo bogaadin sare usoo direen shacabka deegaanka, xukuumada DDSI ee uu hogaankeeda majaraha uhayo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, XDSHSI ee talada deegaanka haya, ciidanka gaarka ah ee liyuu boolis.