Hadhimo Sharafeed Loogu Sameeyay Qurba Joog Beerta Aaran.

Dhagaxleh(CN) Talaado, 26ka January, 2016, Wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane Khadar Cabdi Ismaaciil iyo maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta ee  Dr cabdimajiid xuseen  mudane Maxamuud Ahmed Nuur (heeryo) ayaa xaflad casuumad hadhimo sharafeed ah ugu sameeyay beerta Aaran ee ku taala magaalada dhagaxleh, hogaaminta sare ee jahliyada north America ee uu  hogaminayay Gudoomiyaha,  jahliyada north America Mudane Maxamed Shugri , kuna  wahelinayeen Gudoomiyaha  Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya ee north America  Mudane Ibrahim Carab,  iyo  gudoomiyaha ururka dhalinyarad SEDYO ee north america  Mudane Cabdiwadud maxamed.

Xafladan hadhimo sharafeedka ah oo ahayd mid ay masuuliyiintani ku maamuusayeen soo dhawaynta hogaaminta jahliyadan ayaa waxaa kala soo qaybgalay,  qaarka ka mid ah masuuliyiinta sare ee xukuumada DDSI   oo uu ka mid yahay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid Haayir Xasan, Wasirka Cadalada Iyo Xeerilaalinta guud  ee DDSI Mudane Cabdijamal  Axmed Qolonbi, Madaxa Arimaha Siyasada Xarunta ee XDSHSI  Mudane Cumar Maxamed,  ku simaha maareeyaha  Qurabjogta ahna ku xigeenka wakaalada qurba joogta DDSI  mudane cabdi khaliif (dhoonbe) iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka gaadiidka iyo ganacsiga DDSI mudane khadar cabdi ismaaciil oo ka hadlay casuumadan ayaa sheegay meeqaamka ay ka mudan yihiin qurba joogtani xukuumada DDSI, wuxuna tilmaan dheerka bixiyay waxqabadka muga leh ee ay jahliydani muujisay, ugu danbayntiina waxa uu tilmaamay wasiirku in ay xukuumada DDSI markasta ka go’antahay sii xoojinta iyo wanaajinta  xidhiidhka  qurba joogta DDSI meelkasta oo ay joogaanba.

jahliyada north America Mudane Maxamed Shugri  ayaa siwayn ugu mahad celiyay  xukuumada DDSI sida balaadhan ee loogu soo dhaweeyay deegaanka, kana warbixiyay guulaha dhumucda wayn ee ay xukuumada sanadihii ugu danbeeyay ka soo hoysay dhinacyada horumarka, nabadgalyada, maamul wanaaga iyo  xidhiidhka qurba joogta ugu danbayntiina waxa uu u mahad celiyay wasiiradan maanta ku casuumay hadhimo sharafeedka