Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Ku Saabsan Caadooyinka Xun Xun

Dhuxun(CN) Talaado 26ka January 2016, Tababar uu soo agaasimay Xafiiska Arimaha Hawenka & Caruurta Degmada Dhuxun islamarkaana ku saabsanaa la dagaalanka Caadooyinka xun xun ayaa lagu soo gabagabeeyay Degmada dhuxun ee Gobalka Nogob.

Tababarkan ayaa waxaa loo qabtay inkabadan 100 xubnodood oo isagu jirta  Odayaal, Hoyooyinka, Dhalinyarada iyo Culima awdiinka Degmada Dhuxun  waxa uuna socday mudo 3 cisho ah.

 

Hadaba, xidhitaankii tababarka  ayaa waxaa kahadlay masuulin isugujirta Heergobol iyo Heer Degmo oo aykamid ahaayen Gudoomiyaha Degmada Dhuxun Mudane Axmed Safi Cisman, Madaxa Arimaha siyaasada XDSHSI ee Gobalka Nogob Mudane Muuse Maxmed Xusen iyo Madaxa Arimaha Haweenka Degmada Dhuxun Marwo Nimco Cabdiqadir waxayna ku booriyeen xubnaha qaatay tababarka inay kamidho dhaliyaan aqoontii ay barteen, sidookalana waxay  masuuliyiintu usoo jeediyeen tababartaaysha inay ladagaalamaan caadooyika xunxun sida gudniinka fircawniga ah maadaama oo aysan diinteena macaan ee muslimku ogalayn.