Qabridahar,(CN) jimce, 29ka January, 2016, Munaasabad uu xafiiska horumarinta khayraadka biyuha DDSI ku wareejinayay shirkadii ku guulasatay tartankii qandaraaska mashruuca biyo galinta iyo fayo dhawrka maamul magaalada qabridahar ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee MM qabridahar.
Waxaana munaasabadaasi furitaankeedii ka soo qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah, masuuliyiinta Gobolka Qoraxay, masuuliyiinta maamulka MM qabridahar iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan MM qabridahar.
Munaasabadaasi ayaa waxaa ka hadlay wasiir ku xigeenka xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed ismaaciil oo ka warbixiyay dadaalada balaadhan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii bulshada deegaanka looga xaqab tirilahaa helitaanka biyaha nadiifta ah islamarkaana ay qorshayaasha horumarineedna kuwa ugu muhiisan u qaadatay horumarinta khayraadka biyaha. mar uu ka hadlayay masuulku ahmiyada uu leeyahay mashruucani ayaa waxa uu tilmaamay in maanta goobihii laga samaynayay qaybaha kala gadisan ee mashruuca lagu wareejiyay shirkada qandaraaska mashruucaas ku guulaystay ee shirkada Rabaax wuxuuna sheegay in ay mashruucan ku baxayso aduun lacageed oo ka badan 86,000,000.00 (sideetan iyo lix million oo birr) taasi oo loogu talagalay in mudo kooban lagu soo afmeero si ay uga faa’iidaystaan bulshada MM qabridahar.
Waxaa kale oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay munaasabadaasi gudoomiyaha gobolka qoraxay mudane Yuusuf Aadab Yuusuf iyo maayirka MM Qabridahar marwo Ifraax Cumar Muuse.kuwaasi oo ka warbixiyay ahmiyada uu bulshada iyo guud ahaanka hawlaha horumarka u leeyahay mashruucani waxayna sheegeen in mashruuca qayb ka yahay qorshayaasha xukuumada ee muhiimada 1aad--5aad la siiyay biyaha iyo ka jawaabida baahida shacabka ee dhinaca biyaha
Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan mm qabridahar ayaa si balaadhan u soo dhaweeyay mashruucan biyo galinta iyo fayo dhawrka kuwaasi oo u mahad celiyay xukuumada DDSI dadaalada culus ee ay ugu jirto kor u qaadida nolosha bulshada deegaanka waxayna hoosta ka xariiqeen in ay hirgalinta mashruucan si buuxda uga qaybqaadan doonan.
Ugu danbayntii waxaa lagu wareejiyay hirgalinta mashruucan shirkada Rabaax uu ku guulasatay tartankii qandaraaskaasi waxayna masuuliyiinta shirkadani balan qaadeen in ay sida ugu dhakhsaha badan u fulindoonaan hirgalintiisa