Kor Uqaadida Luuqada Afka Hooyo

Fiiq(CN) jumce 29 January 2016, Tababar ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa luuqada Afka-soomaaliga islamarkaana looqabtay macalimiinta Afka -Soomaaliga ee Dugsiyada Gobalka Nogob ayaa ka dhacay Xarunta Gobalka Nogob ee Magaalada Fiiq.

Tababarkan oo loo hayay macalimiin tiradooodu kabadantahay 176 oo ka kala yimid  dugsiyada 9ka Degmo ee Gobolka Nogob ayaa  waxaa furitaankiisii kasoo qaybgalay Islamarkaana hadalo muhiim ah ka soo jeediyay mas'uuliyiinta ugu saraysa Gobolka oo ay kamid ahaayeen kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Nogob ahna Madaxa Arimaha Siyaasada ee Gobolka Nogob Mudane Muuse Maxamed Xuseen sheegayna in tababarkani uu yahay mid faaiido balaadhan u leh bareyaasha afka soomaaliga islamarkaana kor loogu qaadayo dhanka aqoontooda baris barasho, Waxa uuna intaa kudaray masuulku in ay sifiican uga faaiidaystaan macalimiintu, ugana faaiideeyaan ardaydii iyo dugsiyadii ay ka kalayimaadeen.

Sidoo kale waxa iyana dhankooda kawarbixiyay macalimiinta tababarka loo hayay oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin tababarkan islamarkaana uu si fiican ugu socdo, casharo faaiido lehna lagu barayo.

Ugudanbayna waxay tilmaameen inay uga faaiidaynayaan ardaydii iyo dugsiyadii ay ka kalayimaadeen.