Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

War Deg Deg ah: Cabdulaahi shacbiya Oo Xadka Jabuuti Laga Soo Qabtay iyo MW kuxigeenka Oo Kala Soo Wareegay Ciidanka jabuuti

Jigjiga (CN) jamce, 29ka January 2016, Waxaa  magaalada Dawanle ee ku taala xadka u dhexeeya dalka itoobiya iyo jabuuti lagu soo qabtay Cabdulaahi shacbiya  oo si sharci-daro  ah ku galayay wadanka jabuuti. Waxaana halkaasi ku soo qabtay ciidanka ilaalada xuduudaha ee wadanka jabuuti.

Waxaana kala soo wareegay ciidankaasi Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarina magaalooyinka dhismaha iyo warshadaha mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar oo dadaal dheer u galay sidii loogu soo wareejin lahaa   Cabdilaahi shacbiya.