Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Talaal iyo Daawayn Laga Fuliyay Sabada Sulul

Ceelka-Sulul(CN) Sabti 30 January 2016 Xafiiska Xoolaha Beeraha iyo Hormarinta Reermiyiga Degmada Sagag oo ay iskaashan hayaan Xooga Ciidanka Policeka Gaarka ah ee DDSI Rijmitiga 15aad ee ka hawlgala Degmoyinka Sagag iyo Fiiq ee Gobalka Nogob ayaa olole isugujira Talal iyo Daawayn ka fuliyey Ceelka caanka ah ee Sulul ee kuyala Degmada Sagag.

Ololahana lagu talaalayo geela ayaa waxaa kormeer kugaadhay qaarkamida mamulka degmada sagag waxaana kawarbixiyay  Gudoomiyha Degmada Sagag Mudane Faarax Cabdiqadir oo sheegay in hawlgalkan shaqo ay siwadajira ufulinayaan ciidamada gaarka ah ee Liyu-Police iyo khabiirada xafiiska, waxa uuna gudoomiyuhu tilmaamay in sifiican oo wadaniyad leh ay usoo dhamaystireen talaalkii & daawayntii geelii kacabayay sabada sagag iyagoo talaalay geel kabadan 3500 islamarkaana daawayn siiyay geel dhan 1500. Waxa uuna masuulku amaan usoo jeediyay Xoga Ciidanka Gaar ka ah ee sida fiican shaqada u gutay kadib markii ay soo afjareen nabad diidkaUBBO, kana shaqeeyaan hormarka.

Dhankooda shacabka iyo geelayda xolodhaqtada ah ee la gaadhsiiyey adeegan ayaa aad usoodhaweeyey dawaynta iyo talaalka xolaha lasiiyey islamarkaana tilmaamay in ay aad ugu faraxsanyihiin, maadaama oo daawaynta iyo talaalkuba uu bilaash ahaa