Macalimiinta Afka-Soomaaliga Ee Gobalka Shabeele

Goday(CN) Sabti 30 January 2016, waxaa si habsami leh uga bilowday Xarunta Gobalka Shabeele ee Magaalada Goday tababar lagu kobcinayo aqoonta Barrayaasha Afka-soomaaliga ee dhamaan M.M Goday iyo Sagaalka Dagmo ee Gobalku ka koobanyahay.

Tababarkan ayaa waxaa lagu tababarayaa in ka badan 290 Bare, oo macalimiin ka ah dhamaan Dugsiyada Dagmooyinka Gobalka Shabeele, waxaana lagu barayaa casharo kusaabsan nidaamka baris barasho ee luuqada Afka-soomaaliga, iyo waliba culuumaha kala duwan ee luuqadu leedahay, waxaana casharada tababarka bixinaya khabiiro heer deegaana oo kasocda Xafiiska Waxbarashada DDSI.

Sidookale waxaa iyana xusid mudan in tababar kan lamida uu kasocdo magaalada Qabridahar islamaraana loohayo macalimiin tiradoodu kor u dhaafayso 197 macain oo ah macalimiinta afka soomaliga ee Dugsiyada Dagmooyinka hoosyimaada Gobalka Qoraxay.  

Sikastaba ha ahaatee Luuqada Afka-Soomaaliga oo ah luuqada 1aad ee DDSI oo lagu barto galaasyada 1aad ilaa 10 aad islamarkaana ay wax kabaraan macalimiin Isagujirta Diploma, Degree  iyo Certificate (TTI) ayaa wakhti xaadirkan uu uga socdo tababar dhamaan Gobalada DDSI.