Sanadguurada Shirkada Samsam Import and Export

Jigjiga(CN) sabti, 6da February 2016, Shirkada Samsam Import And Export  oo  ah shirkad ka shaqaysa dhoofinta iyo soo dajinta  raashinka iyo dharka iyada oo ka faaiidaysanaysa cashuur dhaafka ay siisay dawladu si ay bulshada deegaanku  u helaan raashin jaban ayaa waxay ka   hawlgashaa guud ahaanba deegaanka.

Hadaba shirkadan ayaa hada u  dabaal dagaysa  munaasabadan oo ay ku xusayso sanad guuradeedii 1,aad ee ka soo wareegtay aas aaskii shirkada.  maareeyaha guud ee shirkadan samsam importi and export marwo Samsam Naasir  oo ka hadashay xafladaasi ayaa ka warbixisay waxqabadka iyo dadaalada ay shirkadani ka wada  Guud Ahaanba Deeganka Soomalida Itoobiya islamarkaana ay   Dadaal Xoogan ugu Jirta Sidii Ay Kor ugu Qaadi Lahayd Una Dardargalin Lahayd Hawlaha Shaqo ee ay U Hayso Bulshada Deegaanka

Waxayna maareeyuhu sheegtay guulaha ay shirkadani soo hoysay tan iyo intii la aas aasay  iyo qorshayaasha horumarineed ee u yaala shirkada iyada oo   tilmaantay in maanta loo dabaal dagayo  sanad guuradii 1aad ee  Shirkada samsam  taasi oo ku soo beegantay xili ay guulo waawayn ka soo hoysay  Waajibaadkeedii Shaqo  ee ay  u Haysay bulshada Deegaanka iyo waliba ay sii wadi doonto dadaalada balaadhan ee kamidhadhalinta qorshayaasheeda shaqo.

dhanka kalana shaqaalaha shirkadan oo aad ugu faraxsan sanadguuradan 1,aad ee shirkada ayaa dareenkooda kucabiray farxad iyo kudhiiranaan shaqo iyagoo tilmaamay inay sii xoojin doonaan shaqada ay shirkadu u hayso bulshada.