Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

9ka Cusbitaal ee DDSI Oo Lagu Wareejiyay Baabuur Cusub.

Jigjiga(CN)  talaado, 9ka , February, 2016, Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed, ayaa maanta maareeyayaasha 9ka cusbitaalka ee  ku yaala 9ka Gobol ee DDSI ku wareejiyay furayaasha baabuur  cusub.   dib markii  ay wasiirka iyo maareeyayaashu kala  saxeexdeen  heshiis qeexaya in loo adeegsado baabuurtan  hawlaha caafimaadka oo kaliya, in aan lagu wadi Karin xawaare ka badan 100 islamarkaana uuna wadi Karin qof aan dirawalka ahayn

Haddaba  baabuurtan oo qayb ka ah gawaadhi  ay dhawaan xukuumada DDSI kala soo wareegtay wasaarada caafimaadka JDFI  ayaa ujeedada loogu wareejiyay  cusbitaaladu tahay in ay u  adeegsadaan kor meerka iyo taakulaynta xarumaha caafimaadka ee yaala gobolka uu ku yaalo cusbitaalku, hawlaha caafimaadka deg dega ah sida cudurada dilaaca oo kale iyo kor u qaadida guud ahaanba adeegyada caafimaadka gaar ahaan  caafimaadka  hooyada iyo dhalaanka.

Maareeyayaasha cusbitaalada  DDSI ayaa sheegay in ay gaadiidkani wax wayn ka qaban doonaan  kor u qaadida  adeeg  bixinta caafimaadka ee  cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka DDSI waxayna sheegeen in ay qorshihii loogu tala galay oo kaliya u adeegsan doonaan baabuurtan ilaalindoonaana dayac  tirka baabuurtan

Gadhwadaanka geedi socodka  adeega caafimaadka   iyo daawaynta  xafiiska caafimaadka DDSI mudane Nuur Huseen Xuuble, oo warbaahinta DDSI  lahadlay, ayaa wuxuu sheegay inuu gaadiidkani wax wayn katari doonaan baahidii cusbitaalada ee xaga gaadiidka si ay u caawiyaan ugana warhayaan xarumaha caafimaadka iyo waliba ka jawaabida xaaladaha caafimaadka deg-dega ah.

Ugu dambayn, wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed ayaa kula dar-daarmay maareeyayaasha cusbitaalada DDSI in ay baabuurtan ilaaliyaan una adeegsadaan qorshihii loogu talagalay oo kaliya kuna dhaqmaan qodubada heshiiska lagu qeexay