Tababar loo Xidhay Xirfadlayaal Caafimaad.

Jijiga(CN) talaado, 9ka, February, 2016, Waxaa lagu soo gabagabeeyay  hoolka shirarka huteelka  universal ee caasimada deegaanka  tababar ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska caafimaadka DDSI iyo ururka dhakhaatiirta caruurta ee dalka  itoobiya. Tababarka oo ay u jeedadiisu ahayd mid   kor loogu qaadayo aqoonta iyo xirfada  ku aadan fulinta talaalka joogtada ah ee lasiiyo caruurta da'doodu ka yartahay hal sano si looga hortago cudurada dilaaga ayaa waxa  loo hayay 32  xirfadle  caafimaadka oo ka kala socday 16 xarun caafimaad oo ku yaala gobolka Faafan.

Tababarkaasi oo socday mudo 6 maalmood ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane  Cabdifataax Siciid Maxamed oo ka warbixiyay qorshyaasha caafimaadka ee ka  u salaysan adeeg bixinta caafimaadka ee la siinayo  bulshada iyo doorka looga baahan yahay xirfadlayaasha caafimaadka . Wuxuuna ku la dar daarmay wasiirku  xirfadlayaashan  in ay aqoontii ay ka barteen tababarkan uga faa’iideeyaan bulshada ku sugan goobihii ay ka yimaadeen  

Dhankooda xirfadlayaasha qaatay tababarka ayaa balan qaatay in ay aqoontii ay ka barteen tababarkani mudadii uu socday marka ay ku laabtaan goobihii ay ka yimaadeen si muwaadinimo ku dheehan tahay ugu adeegidoonaan bulshada ku nool goobahaasi.

 

Ugu danbayntii waxa xirfadlayaashan caafimaadka la gudoonsiiyay shahaadooyinka turjimaya aqoonta ay tababarkani mudadii uu socday ku qaateen taasi oo uu gudoonsiiyay wasiirka caafimaadka DDSI