Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Qaliinka iyo Daawaynta Indhaha Oo Ka Bilowday Degmada Galaadi.

Galaadi,(CN) khamis, 11ka February, 2016, Kooxda wareegta  qaliinka iyo daawaynta indhaha DDSI ayaa maalintii shalay ka bilaabay  xarunta caafimaadka ee  degmada Galaadi ee Gobolka Doolo qaliinka iyo daawaynta indhaha taasi oo socondoona mudo 8 maalmood ah.

Waxaana ka faa-iidaysanaya qaliinka  bulsho aad u tiro badan oo ku dhaqan degmad galaadi iyo nawaaxigeeda  kuwaasi oo iskugu jira kuwa loo samaynayo  qaliinka indhaha ah ,qaar la daawaynayo iyo kuwa aragooda lagu saxayo muraayadaha indhaha ka dib marka la cabiro xadiga/degree  ay u baahan yihiin.

Maaha degmadii koowaad  ee ay kooxdan wareegta ka fuliyaan  adeega noocan oo kale ah ee waxay  hore uga soo   fuliyeen  degmooyin badan oo ka mid ah degmooyinka DDSI  kuwaasi oo ay   ka   faa’iidaysteen bulsho badan oo  baahi wayn u qabtay helitaanka adeega noocan oo kale ah iyaga oon wax kharash ah kaga bixin bulshada.

Waxaa markhaati madoon ah  in  qorshihii xukuumada DDSI ee  ahaa aas aasida iyo hawlgalin kooxda wareegta ee qaliinka iyo daawayntga indhah ahaa mid loo baahnaa islamarkaana keenay natiijo balaadhan oo ay bulshadu ku tirsatay.

Ugu danbayntii kooxdan wareegta ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa waxaa u qorshaysan in ay adeega noocan oo kale ah ka fuliyaan degmooyin badan oo ka mid ah degmooyinka DDSI.