Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Ku Saabsan Nidaamka Hogaamineed Ee Adeegyada caafimaadka.

Jijiga (CN),jimce, 12ka February, 2016 Waxaa ka furmay huteelka xamda ee magaalada jigjiga tababar ku saabsan nidaamka hogaaminta caafimaadka iyo maamulka suuban. Tababarkaasi oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI ayaa waxaa loo qabtay hogaaminta dhexe ee caafimaadka oo ay ka mid yihiin gadhwadeenada geedi socodyada iyo  xidhiidhiyayaasha xafiiska caafimaadka DDSI, maareeyayaasha cusbitaalada DDSI xidhiidhiyayaasha caafimaadka gobolada DDSI, iyo  xubno ka socday  xafiisyada ay xafiiskan caafimaadka bahwadaagta yihiin sida xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta  HIV Adiska iyo wakaalada dawooyinka iyo dabagalka  caafimaadka.

waxayna tababarkan ujeedadiisu ahayd sidii ay hogaaminta caafimaadku  fahan buuxa uga qaadan  lahaayeen nidaamka hogaamineed ee adeeg bixinta caafimaadka, hanaanka   kobcinta  awooda fulineed ee hogaaminta caafimaadka  iyo waliba nidaamka maamulka suuban .

Waxaana furitaankii tababarkaasi ka hadlay   wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed oo ka warbixiyay ahmiyada uu tababarkani u leeyahay hirgalinta adeegyada caafimaadka  iyo ka midho dhalinta qorshyaasha caafimaadka wuxuuna kula dar daarmay hogaamintan in mudada uu socto tababarkani ay fahan buuxa ka qaataan.

Tababarkan oo socondoona mudo 4 maalmood ah ayaa waxa la filayaa in ay ka soo baxaan qorshayaal lagu xawaare galinayo bixinta adeegyada caafimaadka oo tayaysan.