Masuuliyiinta Maaliyadaha Iyo Dakhliga Oo Shir Uga Bilawday Magaalada Adama

Adama(CN) Sabti 13 February 2016, Shir wada tashi ah oo u dhaxeeya Wakaaladaha Dakhliga iyo  waliba Xafiisyada Maaliyada iyo Hormarinta Dhaqaalaha Deegaanada Dalka islamarkana lagaga wada tashanayay dhinaca maamulka miisaaniyada, sii xoojinta nidaamka wada shaqayneed iyo ku dhaqanka shuruucda Maaliyadeed iyo waliba tan dakhli xaraynta ayaa si habsami leh uga bilawday magaalada Adama ee Deegaanka Oromiya.

Shirkan wada tashiga ah ayaa waxaa deegaanka uga qaybgalay Koox uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada & Hormarinta Dhaqaalaha DDSI Mudane Axmed Cabdi Maxamed islamarkaana kawarbixiyay ujeedooyinka shirkan isagoo sheegay in shirkan u jeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadi lahaa habka uruurinta dakhliga islamarkaana dakhliga soo xarooda si taxadar leh oo nidaamsan loogu isticmaali lahaa iyadoo kor looqaadayo nidaamka maamulka maaliyadeed. Sidookale waxa uu masuulku tilmaamay in shirkan lagaga wada tashanayo habsani u isticmaalka miisaaniyada.  

Ugudanbayna wuxuu Wasiirku sheegay in shir kani mudada uu socdo la isla meel dhigayo tubihii iyo sidii loo heli lahaa kharashka loo baahanyahay  in lagu qabto shaqooyinka u yaala qorshaha wajiga labaad ee  GTP2 iyo waliba sidii lagu samayn lahaa dadaal wada jir ah.