Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

DDSI Oo Deegaanka Canfarta Ugu Deeqday 6500,00 oo kiintaal Oo Calafka Xoolaha ah

Jigjiga(CN) Sabti 13 February  2016, Dawlada Deegaanka Soomalida Itoobiya oo ugu  deeqay Deegaanka Canfarta calafka xoolaha oo kabadan 6500 oo kiintaal kadib markii ay soo food saartay abaar ay keentay isbadalka cimiladu, islamarkaana  gaadhsiiyay bulshadii Deegaanka Canfarta.

Deeqdan calafka xoolaha ah ayaa waxaa isku soo dubariday  gaadhsiiyayna deegaanka canfarta Xafiiska Kahortaga iyo U diyaargarowga  Masiibooyinka iyo Xafiiska Xoolaha iyo Hormarinta Reermiyaga DDSI. 

Hadaba waxaa shabakada cakaaranews ugawarbixiyay deeqdan lagaadhsiiyay Wasiirka Xafiiska Kahortaga Iyo U diyaar garawga  Masiibooyinka DDSI mudane Maxamed Daahir Ismaacii oo sheegay in kadib markii uu deegaanku ka haqabtiray gobalka siti abaartii aykeentay isbadalka cimiladu oo gaadhsiiyay calaf xoole oo aad u badan kadib ayuu deegaanku uguntaday sidii uu ugaadhsiinlahaa deegaanka walaalohood ah ee canfarta  islamarkaana gaadhsiiyay calaf xoole oo kabadan 6500, oo kiintaal.

waxuuna masuulku intaa kudaray in ay deeqdan gudoonsiiyeen  masuuliyiintii dhigooda ahaa ee deegaanka canfarta islamarkaana ay si qiiro leh ugu mahadceliyeen deegaanka iyagoo aad ugu duceeyay bulshada iyo masuuliyiinta deegaanka caawimada soo gaadhsiiyay ee walaalahooda.


Sidookale wasiirka Xoolaha iyo Hormarinta Reermiyiga mudane Cabdinuur Calow Axmed oo isna sheegay in ay tahay mid ilaahay lagu mahadiyo maadaama deeganku maanta uu ku deeqayo calaf xoole oo kabadan 6500,oo kiintal islamarkaana ay tahay iyana in loo mahad celiyo beeralayda deegaanka ee inatay iskaashadeen wax soosaar balaadhan sameeyay.