Mw Kuxigeenka Oo Kaqaybgalay Qalinjabinta Arday Kaqalinjabisay ECSU

Adhisababa(CN) Sabti 13 Feberuary 2016, Wasiirro ay hogaaminayso madaxwaynwne ku xigeenka ahna Wasiirka Beeraha & Hormarinta Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa kaqaybgalay qalinjabinta ardayda u dhalatay deegaanka soomaalida ee ka qalinjabisay Jaamacada Ethiopian Civil Service (ECSU)

Ardaydan kaqalinjabisay jaamaacada  oo tiradoodu  kabadnayd 20 arday islamarkaana baratay  culuumta hormarinta dhaqaalaha, maaraynta iyo hormarinta magaalooyinka ayaa 15 kamid ahi waxay ahaayeen heerka Masterta meesha 5 ardayna ay ka ahyeen Degree,  oo ay waliba  7 kamid ahi gabdho ahaayeen.

Hadaba Madaxwaynwne ku-xigeenka ahna Wasiirka Beeraha & Hormarinta Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsanatahay kaqaybgalka ay kaqaybgashay iyo qalinjabinta ardaydan u dhalatay deegaanka islamrkaana ay aad ugu hanbalyaynayso dadaalkoodi ay ku soo dadaalayeen wax barashada mudada dheer, iyadoo waliba urajaysay aradayda inay heli midhihii dadaalkooda hadii alle yidhaahdo.   

Sidookalana waiirka Xafiiska Arimmaha Haweenka & Caruurta Marwo Raxma Maxamud Haybe oo kamid ahayd wasiirradii ka qaybgalay qalinjabintan ardayda ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay ardaydan udhalatay DDSI ee qalinjabisay gaar ahaan gabdhaha Degree ga ku qalinjabiyay maadaama oo uu Xafiiska Arimaha Haweenku ka kafaala qaaday deeqda waxbarashada 7 Gabdhood oo kamida qalin jabiya yaasha. Waxayna intaa ku dartay wasiiradau inay cilmigan ay barteen sidaacada ugu adeegaan bulshada.