Gudiyada Joogtada ah ee Golaha Xildhibaanada DDSI Oo Kor-meeraya mashaariicaha horumarineed.

Gursum(Cakaaranews) Isniin, 15ka February 2016. Gudiyada joogtada ah ee golaha xildhibaanada DDSI ayaa waxa uu  halbeega cabirkoodu  yahay    dabagalka nidaamka fulineed ee  hay’adaha dawlada, kormeerka,  dabagalka iyo hubinta  tabaha fulineed ee meelmarinta mashaariicaha horumarineed, xaqiijinta waxa lagu qabtay miisaaniyadihii qoondaysnaa iyo waliba xaqiijinta in ay bulshadu heshay adeegyada horumarineed ee aas aasiga ah.

Hadaba gudiyada joogtada ah ee golaha xildhibaanada DDSI oo gudanaya waajibaadkaasi ayaa waxa Gudooyimayaasha gudiyada joogtada ah ee golaha xildhibaanada DDSI oo ay hogaaminayso afhayeen ku xigeenka golaha xildhibaanada DDSI  marwo Fardawsa Maxamed  Muxumed ayaa  kor meer  dabagalka  iyo hubinta  mashaariicaha ku marayaan degmooyinka gobolada  Faafan iyo Sitti.

Gudoomiyayaashan gudiga joogtada ah  ee ay hogaaminayso afhayeen ku xigeenka golaha xildhibaanada DDSI ayaa waxay kor meerkan ku soo mareen degmooyinka Qabribayax, Awbare, tuli-guuleed iyo degmada Gursum oo ah qaarka mid ah degmooyinka gobolka Faafan. Waxayna u kuurgalayeen  nidaamka loo hirgaliyay mashaariicihii horumarineed ee ay fulintoodu qorshaysnayd sanadkan 2008TI. Waxayna soo kor-meerayeen   mashruuc kasta oo laga hirgalinayo degmooyinkaasi    heerka uu marayo. Ka dibna waxay kulamo la qaateen masuuliyiinta maamulada degmooyinkaasi. Si ay iskaga warbixiyaan geedi socodyada shaqo ee mashaariicaha.

Afhayeen ku xigeenka golaha xildhibaanada DDSI marwo Fardawsa Maxamed Muxumed oo maanta iyaga oo ku sugan degmada gursum la hadlaysay warbaahinta DDSI ayaa sheegtay in  kor meerkan ay ku jiraan yahay   sidii ay u xaqiijin lahaayeen wixii loo qabtay bulshada. Waxayna tilmaantay afhayeen ku xigeenku in ay kormeerkan shaqo ku soo arkeen waxqabad balaadhan oo loo qabtay bulshada iyo bulshada oo si buuxda uga qaybqaadanaysa hirgalinta qorshayaasha horumarineed.

Waxaa kale oo jiray koox ka mid ah gudoomiyayaashan gudiyada joogtada ah  oo kormeerkan ku maraya degmooyinka gobolka Siti.  Kuwaasi oo ay maanta la xidhiidhay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in ay soo karmeereen, hubiyeen mashaariicaha horumarineed ee laga hirgaliyay sanadkan degmooyinka Shiniile, Hadhagaale, Erer iyo afdam oo ah degmooyinka gobolka siti.