Tababar loqabtay Shaqaalaha Mashruuca PSNP.

Jigjiga( cakaaranews ) Khamiis 18 Feb 2016, Tababar ku saabsanaa warqada cadaynta raashinka (perol attendance sheet) oo la siinayay shaqaalaha mashruuca Dabaanad qaadka Cuntada (PSNP) ayaa saaka ka dhacay hoolka shirarka ee Xafiiska Beeraha iyo Hormarinta khayraadka Dabiiciga ah.

Tababarkan oo ay kasoo qayb galaeen dhamaan shaqaalaha Mashruuca Dabaanad qaadka Cuntada (PSNP) ee heer deegaan ayaa waxaa ugu horayn ka hadalay Wasiir ku xigeenka Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga ah mudane Guuleed Aw-Cali Kaahin isagoo wasiir ku xigeenku ku adkeeyay shaqaalaha inay si fiican uga faa idaystaan tababarka ilaaliyaana wakhtiga inta uu socdo tababarka, islamarkaana dardaaran dheer usoo jeediyay shaqaalaha tababarka qaadanayay, sidookale waxa uu masuulku tilmaamay faa’iidooyinka mashruuca iyo sida loogaga faa iideeyo bulshada danyarta ah ee Deegaanka.

Sidoo kale waxaa isana ka hadlay tababarka  agaasinka Mashruuca Dabaanad qaadka Cuntada (PSNP) mudane lubi axmed kaariye isagoo ku booriyay shaqaalaha inay si fiican u bartaan cashirka maadaama oo larabo in ay tababaro kan lamid ah kasoo bixiyaan dhamaan 31 ka degmo ee mashruucu ka hawlgalo islamarkaana la siiin doono dhamaan khabiirada ka shaqeeya mashruuca ee kusan dagmooyinkaas. Waxa kale oo uu agaasinku intaa ku daray in tababarkan uu mihiim yahay madaamo mashruucu marayo wajigii 4aad.