Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ururka Haweenka Jahliyada DDSI ee Birmingham Oo Doortay Gudoomiye Cusub.

Birmingham (Cakaaranews), khamiis, 18ka, February, 2016,  Shir ka dhacay caasimada 2aad ee wadanka UK ee Birmingham ayaa waxaa lagu doortay gudoomiyaha cusub ee  ururka haweenka jahliyada DDSI ee magaalada Birmingham. Waxaana shirkaasi soo diyaariyay hogaaminta sare ee jahliyada DDSI ee  Birmingham, gaar ahaan Guddiga Doorashada Ee Xubnaha Gudiga Fulinta Jaaliyadda DDSI,  Ee Magaalada Birmingham.

Waxaana shirkaasi ka soo qaybgalay masuuliyiinta iyo qaybaha kala duwan ee  jahliyada DDSI ee Birmingham iyo marti sharaf kale oo ka socoday jahliyada DDSI ee wadamada kale. Waxaana  ugu horayntii shirkaasi  Ka Hadlay Guddoomiyaha Gudiga Fulinta  Doorashada, mudane Eng  Cabdicasiis  Cabaade  Oo Ku Booriyay Jaaliyadda Inay Si Hufan U Dhiibtaan Codkooda islamarkaana  Sharaxaad dheerka  Ka Bixiyay Xeerar nidaameedka  iyo shuruudaha  Doorashada.

Doorashaan oo ay ku tartamayeen 2 haween ah ayaa  si toos ah loo gudagalay codbixinta doorashada, , Waxaana Codeyntii  Kaddib Ay Guddiga Fulinta Doorashada Ku Dhawaaqeen Natiijada Cod-Bixinta, Iyadoo ay  Sheegay In ay cob buuxa ku guulaysatay doorashadan ururka haweenka jaaliyada DDSI ee Birmingham in ay gudoomiye ka noqoto marwo Farxiya Cabdiqaadir. Taasi oo mudo xileed keedu yahay muda 2 sano ah waana markii labaad ee la doorto marwo farxiya cabdiqaadir maadaamo oo ay labadii sano ee hore muujisay dadaal dheer oo dhinaca waxqabadka jahliyada ah ayay mutaysatay in marlabaad loogu ciliyo lana doorto.

Doorashadan ka dib ayaa masuuliyiin iyo waxgarad badani ka hadleen shirkaasi. waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI Ee Magaalada Birmingham Ee UK Mudane Bile Maxamed Siyaad iyo gudoomiye ku xigeen ka Ururka Haweenka Jaaliyadda DDSi Ee  Birmingham Marwo Ayaan Xasan  kuwaasi  Hambalyo U Diray Dhamaan Jaaliyadda DDSI Ee Birmingham  Gaar Ahaan Gudoomiyaha Cusub Marwo Farxiya Cabdi Qaadir waxayna sheegeen in ay jaahliyadu garabtaagan tahay gudoomiyahan cusub iyadana looga baahan yahay in ay xilkan saaran si wadaniyad leh ugudato waajibaadkiisa.

Dhankooda waxgaradkii iyo  odayaashii ka hadlay shirkaasi waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Dhayib, Ugaas Cabdi Naasir iyo Shekh Cabdiraxmaan Xaaji Siraaj oo ugu horayntii u mahad celiyay gudiga doorashada ee suurta galiyay dhicitaanka doorashadan iyo nidaamkii wanaagsanaa ee ay u maamuleen. Waxayna u hanbalyeeyeen gudoomiyaha cusub marwo farxiya cabdiqaadir taasi oo ay u sheegeen in ay jahliyada si balaadhan u garabtaagan tahay soona dhawaynayso gudoomiyahan cusub.

Gudoomiyaha jahliyada DDSI Ee wadanka Swizarland  Marwo Ardo Cumar oo ahaa marti sharaftii ka soo qaybgashay shirkaasi ayaa u Hambalyaysay  Gudoomiyaha Cusub Waxayna  ka warbixisay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya jahliyadaha DDSI ee ay sida wada jirka ah ugaga qayb-qaadanayaan hawlaha horumarka iyo nabadgalayda DDSI.

Ugaas Xasan ayaa isaguna ahaa masuuliyiintii ka hadashay shirkaasi wuxuuna ugu horaynii hanbalyo u diray gudoomiyaha cusub ee la doortay iyo gudiga doorashada ee sida fiican u daadihinayay absami u dhicidii doorashadan.

 

Ugu danbayntii waxaa halkaasi ka hadashay  Guddoomiyaha Cusub Ee Ururka Haweenka Jaaliyadda DDSI Ee Birmingham,  Marwo Farxiya Cabdiqaadir  oo u mahad celiyay dhamaanba jahliyada DDSI ee Birmingham iyo martisharafka kale ee ka soo qaybgashay shirkan waxayna  Ballan-Qaaday Xilka Loo Egmaday In ay Ka Soo Bixi Doono Siina Laba Jibaari Doono Dadaal Iyo Dardar galinta iyada oo  Carabka Ku Adkeeysay Iney Howlaha Shaqo Ee Dhamaan Xubnaha Jaaliyadda Si Wada Jir Ah U Wada Shaqeyn Doonaan.