Beesha Gurre Oo Canbaaraysay Horumar-Diidka Korodhka Deegaanka

Jigjiga( Cakaaranews ) Jumce 18ka March 2016, Kulan ay yeesheen beel-waynta Gurre oo uu hogaaminayo ugaaska beesha gurre islamarkaana ujeedadiisu ahayd canbaaraynta horumar-diidka korodhka deegaanka iyo waliba taageeraha go’aankii baarlamaanka DDSI ayaa ka qabsoomay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Hadaba kulankan beesha oo ay kasoo qaybgaleen Salaadiinta, Odayaasha, Aqoonyahanada beesha ayaa waxaa ugu horayn kahadlay ugaaska beesha Gurre Ugaas Maxamed Ugaas-Guure ugaas-Guuleed kana mid ah salaadiinta DDSI oo sheegay in kulankani yahay mid lagaga hadlayo danaha iyo aayaha beesha Gurre ee dagta sadexda degmo ee kala ah Guro-boqosa, Guro-dhaamoole, iyo Qarsaadhuule,oo awal hore kamid ahaan jiray Gobolka Afdheer balse hada kalafadhigii baarlaamka DDSI lagu ansixay inay kamid noqdaan Gobolka Liibaan iyadoo xukumada iyo XDSHSI ay isla qaateen xalna u arkeen in sadexdaa degmo aysan kamid ahaan karin gobolka afdheer sababtuna tahay fogaanshaha xarunta gobalka, dhanka jidadka iyo gaadhsiinta adeegyada horumarineed.

Sidookale waxa uu ugaasku hadalkiisa kusii daray in ay beesha-Gurre ay kamid tahay beelaha dega degaanka somaalida itoobiya. Goobaha ay daganyihiina ay yihiin kuwo nabagalyadoodu taamtahay horumarkuna uu ka hanqaaday islamrkaana ay ka jiraan adeegyadii aas asiga ahaa iyo waliba adeegyadii kaabayaasha dhaqaale isagoo ugaasku uga mahdceliyay xukumada DDSI ee uu hogaaminayo madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar balanqaadka iyo dadaalka uu ugu jiro horumarka gaar ahaan jidka laamiga ah ee dhawaan lagasamayndoono wadada isku xidha Goro-dhaamoole ilaa jarati. Sidookale wuxuu uguuska carabka ku adkeeyay aadna u canbaareeyay isagoo ku hadlaya codka beesha Gurre dadka hadalada borobogaandada ah ay kasoo yeedhay ee jooga Kenya inaysan matalin beesha gurre islamrkaana  aysan aqoonin meel ay sedaxda degmo ay ku yaalaan danta beesha gurana aysan ku xidhnayn qurbo-joog balse ay ku xidhantahay qaran-joogta.  Waxaana  si buuxda u tageeraynaa go’aanka ay xukuumada iyo baarlamaanka DDSI ku ansixiyeen in sadexda degmo ay kamid noqdaan Gobalka liibaan. Maadaama oo ay dan utahay shacabwaynaha ku dhaqan sadexdaas degmo.

Wuxuuna ugaasku isagoo hadalkiisii siiwata yidhi in ay dadkaas la sheegay ee meelahaa kahadlay ay yihiin fadhi kudirir aan deegaanka waligood arag, islamarkaana dadkii sumcada lahaa ee wadanka kiinya joogay ee beesha Gurre matali kara ay taageersanyihiin go’aanka xukuumada. Waxa uuna uguusku hadaladiisii kudaray in dadka wanaagsan ee taageerada iyo hormarka deegaanka ka qaybqaata ee kiinya jooga ay yihiin dad aad ufarabadan oo beesha ah tusaale ahaana loo soo qaadan karo  Xaaji Ismaaciil iyo sheikh Nuux  oo ah dadkii kaqayqaatay dhisida masaajidada iyo dugsiyada degmooyinkaas beeshu degaan.

Ugudanbayna wuxuu ugaasku carbka ku adkeeyay in odayga lagu magaacbo Khaliif Cadaawe, uu yahay oday da’ah oo wax uu ka ogyahayna jirin xaalada deegaanka islamrkaana ku tilmaamay propogaandiste warbaahinta dhaxmarinaya wax aan sal iyo raadlahayn, waxbana aysan ka ogayn dadkii matalayay beesha Gurre ee daganaa wadanka kiinya oo uu soo kaxaystay caruur yarayar oo aan matalikarin beesha.

Dhanka kale waxaa isna Madashan kahadlay Cabdiqaadir Rashiid Ducaale oo kamid ah aqoonyahanada beesha Gurre isagoo sheegay inay jiraan dad meelaha qurbaha hadal maalayacni ah oo aan waxba kajirin lataagan, islamrkaana dano gaar ah leh oo aan deegaanka waligood imanin gurina kulahayn aqoonina dagmooyinkaas meel ay kuyaalaan ,namana matalaan dadka beesha matala waa kuwo danta beesha yaqaana. Sidookale waxa uu xusay in ka aqoonyahano ahaan  ay aad u taageersanyihiin go’aankii uu ansixiayay baarlamaanka DDSI. Dhankakale wuxuu canbaarayn kulul usoojeediyay isagoo kuhadlaya magaca beesha-Gurre  dadka fadhi kudirika ah ee la sheegay inay melahaas ka hadleen. Isagoo waliba diiday in uu magac dhabo ninkaas kuna tlmaamay hadaladiisa kuwo qof waalani yidhi.

Gabagabadii kulankan ayaa waxaa isna kahadlay Maxamed Shaqlane Jaamac oo ku hadalaya magaca dhalinyarada sedexda degmo ee ay dagaan beesha gurre isagoo sheegay in dadka kasoo jeeda beesha gure ee isugu jira ganacsatada odayaasha iyo dhaliyarata jooga Kenya ay yihiin kuwa ka dharagsan horumarka deegaanka islamarkaana tageersan go’aankii barlamaanku ansixiyay iyada oo uu goaankaasii uu dan u ahaa bulshada dagan sadexda degmo. Wuxuuna  intaa kusii daray in ninka la sheegayo uusan jiko xitaa ku lahayn sadexda degmo islamarkaana uu soo aruursaday ciyaal yaryar oo aan beesha matali Karin.

Sikasataba ha ahaatee waxaa xusid mudan in  kulankii maanta  beesha gurre ay siwada jir ah uga soo horjeedsadeen islamarkaana canbaarayn kulul u soo jeediyeen nin lasheegay inuu soo galiyay warbaahinta  hadalo xaqiiqda ka fog oo propogaando ah, isagoo iska dhigayay in uu matalayo beesha Gurre.