Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Dakhliga Degmada Erar

Erar (Cakaaranews) Isniin 11ka April 2016 Sidaan wada ogsoonahayba wadan walba horumarkiisa iyo dhaqaalihiisaba wuxuu ku xidhanyahay Dakhliga usoo xarooda ,sidaa darteed waxaa 5tii sano ee u danbaysay kor u kacay dakhliga usoo xarooda Ddsi  kadib markii la xoojiyay ilaha dakhliga wacyigalintii bulshada waxsoosaarka beeraha iyadoo waliba Shaqo abuur loo sameeyay dhalinyarada ddsi ee kasoo qalinjabinaya jaamacadaha kala duwan ee dalka.

Hadaba maareeyaha wakaalada dakhliga degmada erar ee gobolka siti mudane xasan  ismaaciil Muxumed oo U waramay shabakada wararka cakaaranews ayaa sheegay inay hirgaliyeen 90% qorshihii u daganaa Sanadkan 2008 TI ee loogu talagalay inay soosaarto degmada erar iyadoo 10ka dhimana ay dhamaystiri Doonaan rubaca 4aad ee hada lagalayo,wuxuuna masuulku intaa kudaray inaan dadaalka shaqo kasii Xoojino halkii hore si aan ooga midha dhalino qorshaha u yaala wakaalada kasoo ku aadan xoojinta ilaha Dakhliga ee jira iyo abuurida ila dakhli oo cusub lana abuuro nidaam dajisan oo sharciga waafaqsan la iskuna halayn karo.