Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Degmada Daratoole Oo Ay Buux Dhaafeen Biyo-Xidheenadii

Daratoole( cakaaranews )Isniin 11kii April 2016, Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Doollo mudane Maxamuud Cali Axmed islamarkaana isugujiray xubno heer gobol ah iyo kuwo heer degmo ayaa kormeer hawleed ku soo maray biyo xidheenada dagmada daratoole kuwaas oo intooda badan ay ramxadihii roobabkii ka da’ay aagaas ay buux dhaafiyeen.

Hadaba Gudoomiyaha Gobalka Doollo mudane Maxamuud Cali Axmed oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in ay roobabkii hebeen hore ka da’ay degmada daratoole ay sifiican u buuxiyeen 2  biyo xidheen oo dhawaan dhismahoodu dhamaadeen oo  laga dhisay degmada Daratoole islamarkaana ay ilaahay ku mahadinayaan.

Wuxuuna gudoomiyuhu xusay in sidookale ay ilaahay ka rajaynayaan in ay dhamaanba biyo-xidheenada degmooyinku ay buux-samaan maadaama intooda badan hada gacanta laga qaaday.