Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Hawasa Iyo Shirkii Qiimaynta Hay’adaha Ay Deeqda Siiso Hay’ada USAID

Hawasa( cakaaranews ) Talaado 12ka Aprill 2016, Shir ku saabsanaa qiimaynta waxqabadka hay’adaha ay deeqda siiso hay’ada USAID ee kala ah RTI,  Save The Children, Handicap International, hay’adaha localka ah, Xafiisyada Waxbarashada ee Deegaanada Dalka Itoobiya iyo waliba Wasaarada Waxbarashada JDFI. ayaa lagu soo gabagabeeyay Xarunta Deegaanka Shucuubta koonfureed ee magaalada Hawasa.

Hadaba shirkan oo uu deegaanka uga qaybgalay Gadh/W/GS Horumarinta Macalimiinta iyo Hogaaminta Waxbarashada ee Xafiiska waxbarashada DDSI Mudane Farxaan Cabdi Makhtal ayaa sheegay in shirkan ujeedadiisu ahayd sidii loo qiimayn lahaa hay’adaha deeqda siiya waxbarashada deegaanada dalka  islamarkaana deeqdaasi ay katimaado haayada caalamiga ah ee USAID. Wuxuuna intaa kudaray masuulku in si wada jir ah loo lafa-guray deeqihii iyo waxqabadyadii iyo sidookale qorshaha waxbarashada ee Dalka JDFI 5ta sano ee soo socoto.   

Dhinaca kale,  agaasinka ayaa xusay in Kadib markii kormeer iyo daraasaad lagu sameeyay labo degmo oo lagu magacaabo Dalle iyo Shabadino oo ka tirsan Gobolka sidaamo ee deegaanka koonfurta itooboya iyada oo daraasaadkana laga duulayay akhriska iyo qoraalka manhajka cusub ee luuqadaha afka hooyo 7 luuqadood oo ay ka mid tahay luuqada afka soomaaligu ayaa  Waxaa la isla qaatay in dib loo habeeyo manhajka cusub,

Ugu danabayna wuxuu sheegay masuulku in gabagabadii shirka la isla qaatay in tababaro la siiyo Barayaasha kala duwan ee dalka ka shaqeeya iyo waliba in aqoonta Barayaasha dumarka ah kor loo qaado.