Shirkii Qiimaynta 9ka Bilood Ee Gobolka Siti

Shiniile(Cakaaranews) Arbaco 13ka April Shirkii qiimaynta 9ka bilood ee goblka siti ooy kasoo qayb galeen dhamaan degmooyinka uu ka Koobanyahay gobolku ayaa lagusoo gabagabeeyay xarunta gobolka siti ee degmada shiniile.

Shirkan oo socday mudo todobaad ahaa ayaa waxaa hogaaminayay gudoomiyaha gobolka siti mudane cabdiwali maxamed faarax  ayaa sheegay in shirkani yahay qiimaytii sagaalka bilood ee waxqabdkii 3dii rubac ee lasoo Dhaafay masharicihii degmo walba loo qabtay iyo siday u fuliyeen wuxuuna gudoo miyuhu intaa ku Daray sidii looga qayb qaatay abaartii saamaysay qaar ka mid ah degmooyinka gobolkan siti sidoo kale Wuxuu gudoomiyuhu xusay sida ay degmo walba wax ooga qabtay adeegyada aas aasiga ah sida Biyaha,beeraha,caafimaadka waxbarashada.

Ugu danbayna wuxuu gudoomiyuhu abaal mariyay xubnihii guulaha adag kasoo hoyiyay qorshihii gurya Dhiska ee qabalaha gabi ama kulan oo ka tirsan degmada hadhagala xubnahaas oo ka koobnaa 7-da Degmo ee gobolku ka koobanyahay hadaba  guryaha ay dhiseen gudigu ayaa ahaa 1000 guri kuwaas oo Xukuumadu oogu tala gashay dadkii ay saamaysay xaalada abareed ee isbadalka cimilada hawadu sababtay.

Sidoo kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay masuuliyiintii ka socday degmooyinka uu gobolka siti ka Koobanyahay iyagoo sheegay inay dhamaan hirgaliyeen qorshihii iyo mashaaricihii loo qabtay sanadkan 2008TI waxaa kale oo ay xuseen in dhamaan si hagar la aan ah ooga qayb qaateen abeertii ku timid qaar Kamid ah degmooyinka gobolka sikastaba ha ahaatee waxaa degmada shiniile ee xarunta gobolka siti si  Quruxbadan ugusoo gabagaboomay shirkii qiimaynta 9ka bilood ee degmooyinka gobolka siti .