Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Atletico Madrid Oo Barcelona Champions Luegue Ka Reebtay

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco 13ka April Kooxda Atlentico Madrid ayaa Barcelona ka cidhibtirtay tartanka ay koobkiisa difaacanaysay ee Champions league-ga kadib markii ay 2-0 ku garaacday kulankii lugtii labaad waxayna wadar ahaan Atlentico Madrid kusoo baxday 3-2 iyada oo waliba afar dhamaadka champions leugue ga kula biirtay Kooxaha Bayern munich.munchister city iyo real Madrid.

Atlentico Madrid ayaa kulankan ku bilaabatay qaab ciyaareed weerar iyo difaac iskugu jira iyada oo Marka ay kubada hesho si buuxda weerarka soo wada galaysay halka markay Barcelona kubada Qabsatay dib ugu wada laabanaysay difaaceeda,DAQIIQADII 36 aad atlentico ayaa la timid goolka ay sida Wayn ugu dagaalamaysay kadib markii uu Antoine griezman oo Barcelona ka dhaliyay gool madax ahaa Oo aad u quruxbadnaa waxayna ciyaartu noqotay 1-0.

Hadaba markii layskugusoo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay kooxda atlentico sii waday Weerarkedii iyada oy kooxda Barcelona ay iyana si joogta ah u abuuraysay fursado xidhiidh ah lakiin wax Kasto oo ay samayso difaaca atlentico Madrid ayaa iska joojinayay ,DAQIIQADII 87 aad atlentico Madrid Ayaa heshay goolkii ay ciyaarta uga bahnayd kadib markii uu filipe luis uu kubad lasoo galay xerada Ganaaxa Barcelona waxaana darbadiisa uu goolka Barcelona ku tuurayay gacanta ku celiyay iniesta Tasoo keentay in atelatico Madrid lagu abaal mariyo rekoodhe,waxaana rekoodhahan gool usarifay Antoina greizmann wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ateltico Madrid ku heshay goolka kalsoonida ay Islamarkaana ciyaarta awooda sare ku yeelatay,waxayna ciyaartu ku dhamaatay 2-0 oy atelaticomadrid guusha ku raacday.