Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Loo Qabtay Maamulayaasha Gobolka Faafan

Jigjiga (Cakaaranews) Khamiis 14ka April 2016 Tababar wacyigalin ah oo loo qabtay maamulayaasha,kormeerayaasha,iyo barayaasha degmooyinka  Gobolka faafan ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska arimaha haweenka iyo caruurta heer deegaan.

Hadaba Gadh/ GS/ shati bixinta iyo dib u cusboonaysiinta xirfada barayaasha iyo hogaaminta Waxbarashada ee xafiiska waxbarashada heer deegaan mudane Axmed Yuusuf Nuur oo ka hadlay Furitaankii tababarkan ayaa sheegay in tababarkani socon doono mudo 3 cisho ah islamarkaan Ujeedadiisu yahay imtixaanka xaqiijinta tayada macalimiinta si loo helo barayaal tayo leh oo soosaarta Arday tayo leh si aan u gaadhno yoolka aan hiigsanayno ulana dagaali lahayn jahliga.

Ugu danbayna waxa uu agaasinku kula dardaarmay inay kasoo qaybgalayaashu ilaaliyaan saacdaha Cashirka laqaadanayo maadama tababarkani yahay mid faa iido badan idiin leh,waxa iyana dhankooda Ka hadlay qaar kamid ah kasoo qayb galayaasha tababarka oo sheegay in tababarkani u yahay mid mihiim ah oo kordhin doona garaadkoda aqooneed.