Biya Xidheenkii Baareey Oo Si Fiican U Buuxsamay

Baareey (Cakaaranews) Khamiis 14ka April 2016 Mansha allah waxaa dhamaan degaanka ka daya raxmada rabi ee guga  iyadoo biya xidheenadii laga fuliyay gooba kala duwan oo degaanka kamid ah ay buux dhaafeen .

Xukuumada ddsi ayaa bilowgii sanadkan 2008 TI qorshaysay in la sameeyo in ka badan 96 biya xidheen oo midkiiba la isticmaali karo in ka badan 3 sano iyadoo waliba loo isticmaalayo beeraha,xoolaha iyo cabitaanba sidii bulshada looga haqib tiri lahaa biya la aanta inu noqon lahaayeen xoola dhaqato beeralay.

Sidoo kale biya xidheenka laga dhisay degmada baareey ee gobolka af dheer ayaa si fiican u buuxsamay iyadoo bulshada ku dhaqan agaasna ay aad ugu shukriyeen raxmada rabi hadaba gudoomiyaha degmada baareey mudane axmed daahir cabdi amaan oo u waramay warbaahinta degaanka ayaa sheegay in raxmadii guga uu si fiican u buuxiyay biya xidheenkii laga dhisay degmada baareey gaar ahaan tuulada guuleed dheere oo degmada u jira 11km .

Ugu danbayna wuxuu gudoomiyuhu xusay in biya xidheenkani ay ka faa iidaysan donaan bulsho aad u badan ugana fa iidaysan doonaan dhinacyo badan oo uu ugu horeeyo beeraha.