Xadhig-kajarka 2 Mashruuc Oo Laga Dhisay Degmada Bookh

Bookh( cakaaranews ) Sabti 16ka April 2016, Kadib markii la soo gabagabeeyay shirkii qiimaynta waxqabadka Degmooyinka Gobolka Doolo ayaa Gudoomiyaha Gobolka Doolo mudane Maxamuud Cali Axmed iyo Gudoomiyaha Degmada Bookh mudane Aamiin Shariif Ibraahin ay si wada jir ah  xadhiga uga jareen Xarun-caafimaad iyo Bakhaar weyn oo loogu talagalay keydinta dawada.

Hadaba Gudoomiyaha Gobolka Doolo mudane Maxamuud Cali Axmed oo u waramay shabakada wararka ee cakaaranews ayaa sheegay in ay xadhiga ka jareen 2bo mashruuc kuwaas oo ay dhismahooda  fulisay mashruuca PSNP ee ka hawl gala degmada Bookh.

Ugu danbayna Wuxuu xusay gudoomiyuhu in mashaariicdan ay aad u soo dhawaysay bulshada ree bookh islamrkaana ay aad ugu riyaaqeen gaar ahaan xarunta caafimaadka.